Maleeshiyaadka Gurguurte oo lagu miray gobollada Banaadir & Shabeellaha hoose.

Thursday October 15, 2026 - 13:48:14
MeMO Staff
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ka fuliyey gobollo dhaca koonufrta dalka Soomaaliya.
Gobolka Banaadir, jihaadiyiintu waxay habeennimadii xalay ka fuliyeen hawl-gal qarax ah oo ay la beegsadeen maleeshiyaadka Gurguurte.

Qaraxan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ku sugan fariisin ku yaalla xaafadda Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan ee caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale dagaalyahannadu waxay habeen hore qarax ku weerareen fariisin maleeshiyaatka Gurguurte ku leeyihiin degmada Kaxda ee isla magaalada Muqdisho.

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku mireen xeryaha maleeshiyaadka Xasan Sheekh ee degmada Jannaale iyo deegaanka Mubaarak.

Weerarradan ayaa qayb ka ah hawl-llada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences